Taliye Sanbaloolshe oo ku biiray shirka Odayada Beledweyn ee xalka loogu raadinayo xiisadii Ceelbaraf
Jan 02 ( Jowhar) Taliyaha NISA C/llaahi Sanbaloolshe oo ka dagay magaalada Beledweyn ayaa ku biiray shirka Odayaasha dhanka ee ka socda magaalada, kaasoo xal loogu raadinayo xiisadii ka dhalatay askartii dhawaan lagu laayay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh.dhexe.
Kulanka taliyaha uu ku biiray ayaa hore ugu socday odayaal ay kala hoggaaminayern Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo Ugaaska Xawaadle ah iyo Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah Imaamka Mudulood ee hormuudka u ah Odayadii ka tagay magaalada Muqdisho.
Kulamada maanta socda ayaa ujeedkoodu yahay in laga heshiiyo in marka hore la aado askartii geeritootay, kadibna laga wada hadlo qaabkii loo soo qaban lagaa danbiilayaashii falkaasi ka danbeeyay.
Taliye Sanbaloolshe ayaa shirka kahor ka yomid degmada Maxaas oo deegaan ahaan ay kasoo jeedaan askartii la dilay, wuxuuna Odayada deegaanka kusoo qanciyay in xaalada la dajiyo howshanna dowladda looga danbeeyo oo aan la qabyaaladeyn askarta la laayay.
Kulamada socda ayaa maanta la filayaa in natiiji wax ku ool ah ay kasoo baxaan, si xiisada loo damiyo howlgaladii Shabaabka ka dhanka ahaana halkeeda laga sii ambaqaado.