Taliye Shub oo qaaday talaabo culus kadib weerarkii gudaha Xabsiga Dhexe

jul 14(Jowhar.com)-Taliyaba ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan (Taliye Shub) ayaa qaaday talaabooyin deg deg ah maalin kadib weerarkii ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe.

Jeneraalka ayaa xilkii ka qaaday taliyaha Xabsiga Dhexe Maxamed xuseen Axmed oo loo heysto dayaca amniga Xabsigaasi.

Taliyaha ayaa sidoo kale goordhow magacaabay guddi baara sida ay wax u dheceen, kuwaasoo mudo cayiman looga dalbaday iney jawaab deg deg ah kusoo saaraan.

Macluumaadka la helayo ayaa intaasi kusioli daraya in ciidamo ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya ay shalay Xabsiga Dhexe ka wateen nin xukunnaa oo lala xiriiriyay inuu wax ka fududeeyay weerarka.

Weerarka oo dhacay Sabtidii ayaa waxaa ku naf waayay dad ka badan 5 ruux, iyadoo su’aalo la iska weydiinayo sida Maxaabiistaasi dilka ku xukunaa ay hubka ku helaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More