Taliyihii C.I.D ee Beledweyn oo qarax Ismiidaamin ah lagu dilay
Jan. 16 (Jowhar.com)-Taliyihii C.I.D-da ee magaalada Beledweyne Jamaal Axmed Jaamac ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay qarax Ismiidaamin ahaa oo saaka lagu weeraray magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan.
Qaraxan oo loo adeegsaday gaari NOAH ah ayaa lagu weeraray xero ay ciidamadda dowladda iyo kuwa Macwuualey ay ku lahaayeen Halgan, iyadoo la soo sheegayo in weerarkan uu ku geeriyooday oo kaliya taliyahan.
Sarkaalkan ayaa kaalin fir fircoon ku lajaa dagaalka Shabaab looga xoreeyay degmooyin badan oo Hiiraan ah, wuxuuna shaqadiisa uga soo tagay sidii kooxda looga sifeyn lahaa guud ahaan gobolka.
Xiliga weerarka dhacay oo ahaa waqtiga salaada subax ayaa lagu soo waramayaa iney tahay sababta yareysay khasaaraha, maadaama dadka ay xaafadohooda isaga jireen oo aan banaanka loosoo bixin.
Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada qaraxa ayaa sheegtay iney mudo dheer baadi goob ugu jirtay dilka taliyihii baarista dambiyada ee magaalada Beledweyne.