Taliyihii Ciidamada oo loo doortay Madaxweynaha Lubnaan
Jan 09 (Jowhar)-Taliyahii ciidamada Lubnaan Joseph Aoun ayaa noqonaya madaxweynaha cusub ee Lubnaan,kadib markii muddo labo sano ah wadanka Lubnaan uu ahaa madaxweyne la’aan.
61-jirkan ayaa noqday madaxweynihii 14-aad ee Lubnaan, isaga oo buuxiyay booskii madaxtinimo ee in ka badan laba sano oo uu ka tagay madaxweynihii isaga ka horreeyay, Michel Aoun.
Magacaabista Joseph Aoun waxay ka gudubtay caqabad weyn; Baarlamaanka Lubnaan ayaa kulmay 12 jeer oo hore si ay ugu codeeyaan madaxweyne laakiin waa uu ku guuldareystay inay doortaan madaxweyne oo ay isku raacaan.
Taageerada Aoun ee baarlamaanka ayaa ka timid dhinacyo badan oo siyaasadeed, wuxuuna ugu dambeyntii ku guuleystay 99 cod oo ka mid ah 128 kursi ee baarlamaanka wareegii labaad ee codeynta.
Madaxweynaha cusub ee Lubnaan Joseph Aoun oo aan qaraabo la ahayn madaxweynihii hore Michel Aoun ayaa ku dhashay sanadkii 1964-tii Sin el-Fil, oo ku taal duleedka waqooyi ee Beirut, Aoun wuxuu caan noqday xilligii uu ahaa taliyaha ciidamada Lubnaan, jagadaas oo uu qabtay sanadkii 2017, waxaana uu ka soo jeedaa dadka Masiixiyadda Maronite loo yaqaan.
Ururka Xamaas ayaa ugu hambalyeysay shacabka Lubnaan doorashada ay u doorteen Jospeh Aoun madaxweyne ka dib in ka badan laba sano oo uu dalkooda ahaa madaxweyne la’aan. Sidoo kale Maamulka Isra’iil ayaa soo dhoweeyay doorashada madaxweynaha dalka Lubnaan.