Tirada Ajaanibta lagu dilay duqeyntii gobolka Bari oo 15 gaartay
Feb 04 (Jowhar) Duqeyntii ka dhacday Buuraleyda Calmiskaat ee gobalka Barri ee Puntland, ayna fulisay dawladda Mareykanka, ayaa la xaqiijiyey in lagu beegsaday xubno katirsanaa kooxaha Ajaaniibta ah ee halkaas kusugnaa.
Tiradda dhimashada Ajaanibta ayaa laxaqiijinayaa 15 dagaalame Argagixiso oo Shisheeye ah, ayna kujiraan sadex xubnood oo labaadigoobayay.
Wararka ayaa intaasi kusii saraya in xubnihii ugu firfircoonaa ee Soomaalida ahaa ee kooxdan aysan goobtan joogin.
Waa wareerkii ugu horreeyey ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya tan iyo markii uu madaxweyne Donald Trump xilka dib ula wareegay 20-kii Janaayo, 2025.