Tirinta Codadka doorashada Somaliland oo bilaabatay

Nov 13  (Jowhar)-Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf ayaa sheegay in tirinta cododku billaabantay, islamarkaana si guud ay nabad ugu soo dhamaatay doorashadii maanta ka dhacday Maamulka Somaliland.

Waxa uu guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ugu baaqay goobjoogayaasha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba ay tegikaraan goobaha lagu tirinayo codadka.

Hase yeeshee, Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa shacabka Somaliland u sheegay ina natiijada rasmiga laga qaadan karo oo kaliya komoshinka doorashada,isagoo xusay in natiijada kama dambeyn lagu dhawaaqi doono 21ka bishan November.

Jagada madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa waxaa ku baratamayay murashaxiinta Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi “Cirro,” murashaxa Xisbiga Waddani, iyo Faysal Cali Waraabe oo ah murashaxa xisbiga UCID.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More