Tiro Hoobiyayaal ah oo lagu garaacay garoonka Aden Cadde

Apr 06(Jowhar)Tiro hoobiyayaal ah ayaa saaka mar kale lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada caasimadda ah er Muqdisho.

Sida wararku tilmaamayaan, Hoobiyayaasha ayaa saaka lagu weeraray garoonka diyaaradaha Adan Cadde, lama soo sheegin khasaaraha ka dhashay madaafiicdan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaafiicda ay ku dhaceen goobo aad amnigooda loo ilalaiyo, waxaana la arkayay uuro iyo qiia cirka galay.

Dhinaca kalena, Diyaaradaha Turkish Airline iyo Egypt Air ayaa maanta baaqday, ka dib hoobiyayaasha lagu garaacay aga-gaarka garoonka Aaden-cadde iyo xerada beesha caalamka ay degen tahay ee Xalane.

Diyaaradda Turkida ayaa rakaabkay siddey dhigtay caasimadda Jabuuti; iyada oo rakaabkii ay labada diyaaradood qaadi lahaydna ay dhooban yihiin Aaden-cadde.

Weli laamaha ammaanka DFS faahfaahin kama bixin hoobiyayaashan dhacaya maalintii labaad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More