Todobo askari oo ka tirsan Boolis Milatari oo lagu dilay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Screenshot

Feb 10(Jowhar)Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo deegaanka Ceelasha Biyaha lagula eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen saraakiil ka titsan ciidamadda NISA iyo Boolis Milatari.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu qabsaday gaarigii u horeeyay oo Cabdi Bile ahaa kaasoo uu watay taliye Urur oo ka tirsan Boolis Milatari oo lagu magacaabo Mire Sahal, waxaana goobta uga geeriyootay Todobo askari oo ilaaladiisa ka tirsanaa.

Askar kale oo dhaawacyo qaba ayaa iyana loola soo cararay goobaha caafimaad ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Saraakiishan oo ay la socdeen dhalinyaro rag iyo adumarba leh ayaa xiliga qaraxa waxa ay u socdeen duleedka magaalada oo ay doonayeen iney jawi nasasho kusoo qaataan, iyagoo watay dirimo lagu fariisto, Fanaaniin Kaban wata iyo cunooyin fud fudud oo ay doonayeen iney isticmaalaan waqtiga ay halkaasi joogaan.

Qaraxa kadib goobta ayaa lagu kala cararay, iyadoo ciidamadii amniga ay ku guuldareysteen iney soo qabtaan danbiilayaashii falkaasi ka danbeeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More