Toogasho ka dhacday goob uu madaxweyne Xasan kaga sugnaa degmada Aadan Yabaal
Mar. 26 (Jowhar.com)-Askari ka tirsan ciidamadda Gorgor ee uu tababaray Turkiga ayaa maanta lagu dilay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh.dhexe, xili uu halkaasi ku sugnaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Askarigan oo lagu magacaabi jiray C/fitaax Bashiir Sheekh Aadan waxaa dilay askari kale oo weydiistay raashin uu cuno, xili maalin Soon ay eheyd, isagoo rasaas ku boobay markii uu diidmo kala hor-yimid dalabkiisa.
Qof goob jooge ahaa ayaa sheegay in xiliga toogashadan ay dhaceysay lagu mashquulsanaa soo dhaweynta madaxweyne Xasan Sheekh, jawiga ayaa mar kaliya isbedelay, waxaana dibadda usoo baxay ciidankii madaxweynaha la socday ee amaankiisa sugayay.
“Soonkeyga maxaa kaa galay, isii biyaha iyo badarka aad wado, hadii kale nolosha ayaan ku dhaafinayaa ayuu muranka ka bilowday” ayuu yiri goob joogahan oo tilmaamay in marxuumka uu yiri ” idil intaa maalin ramadaan ah badar kusiin lahaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in gacan ku dhiiglaha la qabtay, waxeysa ehelka marxuumka ka cabsi qabaan in la fakiyo oo aan sharciga la horkeenin.
Askariga la dilay ayaa kamid ahaa ciidanka ugu fri fircoon Gorgor ee kasoo aflaxay xerada Turkisom, isagoo qeyb ka ahaa ciidan loo xil saaray amaanka Aadan Yabaal oo ah saldhigii ugu weynaa Shabaab ee gobolka Sh.dhexe.