Toogasho ka dhacday Maraykanka oo lagu diley 4 ruux
Sep 04 (Jowhar)-Ugu yaraan afar qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen ku dhawaad 30 kalena ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday dugsiga sare ee Apalachie ee ku yaalla magaalada Winder ee gobolka Georgia dalka Maraykanka.
Hase yeeshee, lama oga in dadka dhaawaca ah ay dhamaantood ka dhasheen rasaas iyo inkale, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku sugan halkaas.
Qofka ka dambeeyay weerarkan toogashada ah ayaa la qabtay waxaana la sheegay in aan la aqoon inuu ka mid yahay ardayda wax ka barata dugsigaas.
Qaar ka mid ah dhaawacyada halista ah ayaa waxaa lagu qaaday diyaarad helicopter ah, waxaana heegan ku jira diyaarado kale oo helicopter ah.
Dugsiga Sare Apalachee wuxuu ku yaalaa magaalada Winder, Georgia, taas oo ah bulsho ku dhawaad saacad ka baxsan Atlanta.
Magaalada waxaa ku nool dad gaaraya 18,338 marka loo eego tirakoobka 2020, waa degmada 24-aad ee ugu weyn gobolka.Dugsiga Sare ee Apalachee ayaa waxaa ka diiwaangashan arday gaareysa 1.932 arday.