Trump iyo Putin oo ku kulmaya dalka Sucuudiga

Feb 13(Jowhar)Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in isaga iyo hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin ay ku heshiiyeen, in ay “si degdeg ah” u bilaabaan wada xaajood ay madaxweynaha Ukraine kala yeelaneyaan, soo afjarista colaadda u dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine.

Trump ayaa dhanka kale sheegay, in isaga iyo madaxweyne Putin ay yeelan doonaan kulamo, iyadoo kan ugu horreeyana uu sheegay in uu ka dhici doono dalka Sacuudiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More