Trump oo hakiyay gargaarkii Milatari uu Mareykanka siin jiray dalka Ukraine

Mar 04(Jowhar)Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu amar ku bixiyay in la hakiyo dhammaan gargaarka militari ee uu Mareykanka siin jiray Ukraine.

Talaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii Mr Trump uu Aqalka Cad kula kulmay madaxweynaha Ukraine, Vlodymyr Zelensky.

Saraakiisha ayaa sheegay in gargaarka la siiyo Ukraine ay dib u eegis ku sameyn doonaan, si loo eego haddii ay ka qeyb qaadaneyso xal u helida dagaalka lagula jiro Ruushka.

Mareykanka ayaa ahaa waddanka dhaqaalaha ugu badan siiya Ukraine, tan iyo markii uu Ruushka duulaan ku qaaday Ukraine, saddex sano ka hor.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaad dhaleeceeynu jeediyay madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ka dib markii uu sheegay in dhamaadka dagaalka Ruushka uu yahay mid aad iyo aad u fog.

Xiisada u dhaxaysa Washington iyo Kyiv ayaa sii xoogaeysnaysa maalin-ba maalinta ak dambeysa.

Madaxweyne Trump iyo la-taliyayaashiisa ugu sarreeya ayaa sii waday dhaleeceynta adag ee hoggaamiyaha Ukraine, iyagoo xitaa soo jeedinaya inuu iscasilo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More