Trump oo ka badbaadiyay xabsi maalmo ka hor caleema saarkiisa
Jan 10 (Jowhar)-Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump,ayaa lagu helay dambi ah inuu inuu been abuur ku sameeyay dukumeenti, si uu u qariyo lacag lagu aamusiyay haweeney sameysa filimada galmada kahor doorashadii madaxweynaha ee 2016-ka, hase yeeshee ma geli doono Xabsi, mana bixin doono Ganaax, sida uu Garsoore go’aamiyey.
Trump ayaa sheegay inuusan wax dambi ah gelin, wuxuuna wacad ku maray inuu racfaan ka qaadan doono xukunka lagu riday.
Waxa uu ka soo muuqday isaga iyo qareenkiisa shaashadaha TV-yada oo si qurux badan loogu soo bandhigay qolka maxkamadda.
“Waxay ahayd ugaarsi siyaasadeed,Waxa loo sameeyay si sumcaddayda loo dhaawaco si aan doorashada ugu guuldareysto, waxaana cad in taasi shaqayn wayday.”ayuu yiri Trump.
“Gabi ahaanba ma lihi wax dambi ah, wax qalad ah ma samayn,” ayuu yiri Trump, oo aan marqaati furin intii lagu jiray maxkamadaynta lixda toddobaad ee sannadkii hore.
Hadda oo lagu xukumay, waxa uu xor u yahay in uu racfaan ka qaato, hannaankaas oo qaadan kara sannado.
Xukunka ayaa astaan u ah gebagabada kiiskii ugu horreeyay ee dambi ah oo lagu soo oogo madaxweyne Mareykan ah.
Waxana uu Trump noqon doona madaxweynihii ugu horreeyay oo Maraykan ah oo xilka la wareega isagoo lagu helay dambi.