Trump oo ku hanjabay inuu Xamaas tirtiri doono hdii ilaa Sabtida aysan sii deyn maxaabiista wali u xiran

Feb 11(Jowhar)Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in haddii aanan la soo deynin la heytaystayaasha Isra’il ee lagu hayo Gaza duhurnimada Sabtida soo socota, uu soo jeedinayo in la baabi’iyo heshiiska xabbad-joojinta ee Isra’il iyo Xamaas.

Trump wuxuu sheegay in haddii ay taasi la yeeli waayo, ay dhici doonto cadaab daran, isaga oo intaasi raaciyay in go’aanka ugu danbeeya ay leedahay Isra’il.

Hadalka adag ee kasoo baxay Trump ayaa yimid saacado kaddib marki ay Xamaas shaacisay shalay, in ay dib u dhigeyso sii deynta la heystayaasha gacantooda ku haray.

Xamaas ayaa ku eedeysay Isra’il in ay jebisay heshiiska xabbad-joojinta ee saddexda todobaad jira, gaar ahaan in ay Falastiinyiinta u diidday dib ugu laabashada qeybo ka mid ah waqooyiga Gaza iyo in ay toogasho iyo duqeymo u geysatay Falastiiniyiinta Gaza.

Ma jiro wax war ah oo arrintan ku saabsan oo wali kasoo baxay Xamaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More