Trump oo loo dhaariyay Madaxweyinihii 47aad ee Maraykanka

Jan 20 (Jowhar)-Donald Trump ayaa si rasmi ah u noqday madaxweynihii 47-aad ee dalka Mareykanka kadib markii u xilka loo dhaariyay goordhow. Sidoo kale waxaa   Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka loo dhaariyay  JD Vance.

Xaflada caleemasaarka Trump, waxaa ka qayb galay madax hore oo Maraykana, dad magac leh oo ay ka mid yihiin Elon Musk, iyo Mark Zuckerberg, Jeff Bezos,Tim Cook ,Sundar Pichai iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee UK Boris Johnson.

Madaxda iyana ka soo muuqday goobta calameesaarka Trump waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Argentin Javier Milei and iyo Raysal wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni.

Dhaarinta ka dib Madaxweyne Trump ayaa jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysay oo uu kaga hadlay arrimaha miiska u saaran ee hortabinta u leh marka uu fariista kurisga Aqalka Cad kuwaas qaar ka mid uu horrey uu u balan qaaday inuu samayn doono maalintiisa ugu horreysa ee xilka la wareego.

Waxa uu ku dhowaaqay bilowga “xilli cusub oo xiiso leh oo guulo qaran ah” maadaama “mowjadaha isbedelka ay dalka ka socdaan,” sida laga soo xigtay qaybo ka mid ah khudbadiisii caleemo-saarka.

Awaamiirta fulinta ayaa ah tallaabada ugu horreysa ee uu Trump ugu yeeray “dib u soo celinta dhamaystiran ee Ameerika iyo caqliga saliimka ah.”

Cimilo qabow darteed ayaa keentay in dhaarinta loo raray gudaha Capitol Rotunda – markii ugu horreysay muddo 40 sano ah.

Xarunta Capitol, madaxweyne ku xigeenka JD Vance ayaa markii hore lagu dhaariyay, isaga oo uu dhaariyay garsooraha Maxkamadda Sare Brett Kavanaugh.

Trump ayaa ku xigsaday daqiiqado ka dib, isaga oo isticmaalaya laba bible oo mid ay leeyihiin qoyskiisa iyo kii lagu dhaariyey madaxweyne Abraham Lincoln 1861-kii, waxaana dhaariyey garsooraha ugu sarreeya maxkamadda sare John Roberts.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More