Turkiga oo ku dhawaaqay in Itoobiya ay ka laabaneyso heshiiskii Badda ee Somaliland

Aug 10 (Jowhar.com)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey Hakan Fidan ayaa shaaciyey in Itoobiya ay si rasmi ah uga codsan doonto Soomaaliya helida deked.

Waxa uu Sidoo kale sheegay iney aqoonsan doonto Madax bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taasoo ka dhigan in Itoobiya ay ka laabatay heshiiskii MOU-ga ee la gashay madaxweynaha Somaliland.

Hadalka Wasiirka Arrimaha dibada ee Turkiga oo todobaadki hore safar ku tagay Addis Ababa ayaa muujinaya horumaro laga sameeyay dhex dhexaadinta uu Turkigu ka dhex wado Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo la filayo in todobaadka soo socda ay dib u bilowdaan wajiga labaad ee wada hadalka labada dhinac ee gogoshiisu fidsan tahay Ankara.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More