Turkiga oo qaab cusub u wajahaya xalinta khilaafka Soomaaliya iyo Ethiopia
Sep 19 ( Jowhar) Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in Turkiga uu doonayo inuu si kala gaar gaar ah ula kulmo madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, si xal looga gaaro khilaafka u dhexeeya labada dhinac ee ku saabsan heshiiska ay Itoobiya ku heshiisay inay Somaliland ka kirayso dhul xeebeed.
Turkiga ayaa ilaa hadda martigeliyay laba wareeg oo ah shirar u dhexeeya dawladaha Soomaaliya iyo Ethiopia,iyadoo wareegii seddexaad ee wadahadalka oo markii hore lagu waday inuu ka dhaco Ankara Talaadada la joojiyay.
Fidan oo la hadashay wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa sheegay in Turkiga uu sii wadayo xiriirka uu la leeyahay Soomaaliya iyo Itoobiya heer wasiir iyo heer dowlad goboleed, wuxuuna intaas ku daray in uu ku rajo weyn yahay in xal loo helo maadaama dhinacyadu ay meel dhexe isugu yimaadeen kulamadii ka dhacay Ankara.
“Intii aan isla dhinacyadii halkan u keeni lahayn wada-hadallo toos ah – kolayba si toos ah uma kulmi lahayn oo anaga ayey nala kulmi lahaayeen – waxaa ujeedku yahay in aan la sameyno xiriir mid mid ah, si ay isula meel-dhigaan mowqifyada, kadibna isu keenno dhinacyada marka ay mowqifyadooda meel isugu yimaadaan,” ayuu yiri Fidan.
Xiriirka labada dal ayaa aad u xummaaday bishii Janaayo, markii Itoobiya ay Somaliland la gashay heshiis ay uga kireysaneyso dhul badeed dhan 20 km, ugana beddelato inay aqoonsaneyso.
Dowlada Soomaaliya ayaa si xoog leh uga carootay heshiiska iyadoo ku tilmaantay sharci darro, waxayna erisay safiirkii Itoobiya waxayna kuna hanjabtay in ay dalka ka saareyso kumanaan askari oo Itoobiyaan ah, oo gacan ka gaysta la-dagaalanka Al-Shabaab.