Uhuru Kenyatta oo ku eedeeyay dowlada Kenya inay weerar ku yihiin ammaanka qoyskiisa

July. 21 (Jowhar.com)-PMadaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa wacad ku maray inuu qoyskiisa u dagaalami doono weerarada kaga imaanaya dhanka dowladda Kenya.

Tani waxay ka dambeysay ka dib markii tobaneeyo askari oo booliis ah ay weerareen guriga wiilkiisa ugu weyn, Jomo Kenyatta oo ku yaala Karen, Nairobi sababo aan la garanayn.

Madaxweynihii hore ee Kenya ayaa sheegay in ciidamadii weeraray guriga wiilkiisa ay wateen baabuur leh taarikada

dalka Suudaan.

“Aniga sida ay ila tahay, Booliisku ma isticmaalaan taariko qalaad, warqad waaran ayay wataan, kiiskooda ayay soo bandhigaan, waxayna soo saaraan waaran u ogolaanaya waxay rabaan, aniga oo xafiiska jooga ayaan ku iri wiilkeyga albaabka ha furin, hadda waan joogaa haddana way baxeen.” Ayuu yiri Uhuru.

“Markii aan Madaxweynaha ahaa, waxaan difaacay dalkayga. Waxaan ahay nin hawlgab ah, qoyskeyga ayaan ilaalinayaa,” ayuu sii raaciyay Kenyatta.

Qudbad toos ah oo uu ka jeediyay guriga wiilkiisa ayuu Uhuru ku cambaareeyay weeraradii lagu qaaday qoyskiisa isagoo u sheegay madaxweyne William Ruto inuu u yimaado halkii uu ka daba tagi lahaa caruurtiisa, hooyadii iyo qoyskiisa guud ahaan.

“Xaqiiqda ah inaan aamusay macnaheedu maaha inaan cabsanayo, ii kaalay haddii aad aniga i dooneyso,” Uhuru ayaa yiri isagoo ulajeedo madaxweynaha haatan talada dalka Kenya haya ee Ruto.

Waxa uu sheegay in dowladdu ay cabsi gelineyso qoyskiisa sabab la’aan isagoo sheegay in madaxweyne Ruto uu ka dambeeyo arrimahaas.

Uhuru oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay dib loogala laabtay xubnihii ammaanka hooyadiis, oo ah marwadii hore ee Madaxweynaha Mama Ngina Kenyatta, falkaas oo uu ku tilmaamay mid shaki dhalinaya.

Waxa uu hadalkiisa Kenyatta ku beeniyay sheegashada ah in uu ka dambeeyay dibadbaxyadii ay dhawaan sameeyeen isbaheysiga Azimo la Umoja ee uu hoggaamiyo Raila Odinga.

“Ma igu aragtay dhacdooyinkan? Miyaad aragtay anigoo ka hadlaya dhacdooyinkan? ayuu yiri .

Arrintan ayaa timid kadib markii madaxweyne Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua oo ay wehliyaan siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda Kenya Kwanza ay ku eedeeyeen Kenyatta inuu kafaalo qaaday dibadbaxyada Azimio.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More