Uhuru Kenyatta oo si carol eh uga hadlay baaris lagu sameeyay guriga uu dagan yahay wiilkiisa oo hub laga soo helay
July. 25 (Jowhar.com)- Maalmo ka dib markii ciidamada Booliiska ay weerareen guriga uu degan yahay wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayuu mar kale ka hadlay arrintaan.
Wuxuu sheegay Uhuru Kenyatta in la qorsheynaayay in hub iyo maandooriye la galiyo guriga wiilkiisa, xilli habeenkii Jimcaha ay hawlgal ka fuliyeen gurigani booliiska.
Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii, Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa sidoo kale ka hadlay hubka la sheegay inay haysteen labadiisa wiil ee Jomo iyo Muhoho.
“Arrinta hubka waxaa la socday dacaayado badan, si loogga weeciyo indhaha dadka waxa dalka ka dhacaya,” ayuu u sheegay Uhuru suxufiyiinta.
“Waxaan rumaysanahay inay doonayeen inay daroogo iyo qoryo geliyaan guriga wiilkayga.”
Kenyatta oo careysan ayaa sheegay in dhacdadaasi ay isaga dhaawacday.
Madaxweynihii hore ayaa ku andacoonaya in labadiisa wiil ay wadar ahaan leeyihiin lix qori, isla markaana dhammaan qoryaha ay si sharci ah u diiwaan gashan yihiin.
Wuxuu sharaxay in gabadhiisa Ngina aysan haysan wax hub ah.
Sida uu sheegay Madaxweynihii hore, ma jiro mid kamid ah wiilashiisa oo lagu war galiyey inay hubkooda soo wareejiyaan, sida ay warbaahinta u sheegeen madaxda sare ee haatan ee dowladda Kenya.