Ukraine ayaa sheegtay in Ruushka uu ku qaaday weerar aad u ballaaran
Sep 07 (Jowhar)-Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar culus oo dhanka cirka ah oo Ruushku ku soo qaaday guud ahaan dalkaasi, iyagoo soo riday 58 ka mid ah 67 diyaaradood oo ah kuwa riddada dheer oo habeen hore la soo riday.
Burburka diyaaradii la soo riday ayaa sidoo kale laga helay agagaarka dhismaha baarlamaanka Ukraine ee caasimadda Kyiv, Verkhovna Rada ayaa sidaas ku sheegtay bayaan ay soo dhigtay app-ka fariimaha ee Telegram Sabtidii.
Cutubyo ka tirsan difaaca hawada ayaa la ruqseeyay 11 gobol oo ku yaalla dalka Ukraine, sida ay ciidammada cirka ku sheegeen bayaan ay soo dhigeen Telegram.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shaheed laga soo duuliyay laba gobol oo ku yaalla xadka Ruushka iyo sidoo kale jasiiradda Crimea ee uu Ruushka qabsaday.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay khasaaraha ka dhashay weeraradaasi.
Wakaaladaha wararka ee Associated Press iyo Reuters ayaa sheegay in burbur ka soo baxay mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka lagu sawiray wadada ka baxsan dhismaha baarlamaanka.