Ukraine oo ka aqbashay Maraykanka heshiis xabad joojin 30 cisho ah
Mar 12(Jowhar)-Maraykanka ayaa ogolaaday in uu dib u bilaabo kaalmadii milatari iyo tii sirdoonka ee uu siin jirey Ukraine ka dib wadahadalo uu ay dowlada Ukraine ku oggolaatay xabad joojin soddon cisho ah.
Kadib kulan ka dhacay dalka Sacuudi Carabiya ayaa Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio waxaa uu sheegay in Mareykanka uu hadda dalabka u gudbin doono Ruushka, isla markaana jawaabta laga sugayo Moscow.
“Madaxweyne Trump wuxuu doonayay in dagaalkan la soo afjaro shalay…Marka rajadayadu waxay tahay in Ruushku ay aqbali doonaan si aan u gaarno wejiga labaad ee arrintan, oo ah wada xaajood dhab ah,” ayuu Rubio u sheegay suxufiyiinta, kadib wadahadalo ka badan siddeed saacadood oo ka dhacay Jeddah, Saudi Arabia.
Rubio waxa uu sheegay in Washington ay doonayso inay heshiis buuxa la gasho Ruushka iyo Ukraine sida ugu dhakhsaha badan.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy, oo ku sugan Sucuudiga, balse aan ka qaybgelin wada-hadallada, ayaa sheegay in xabbad-joojintu ay tahay soo jeedin wanaagsan,ayna dhaqan geli doonto isla marka uu Ruushka ogolaado.
La taliyaha amniga Madaxweynaha Maraykanka Mike Waltz, ayaa lagu wadaa inuu la kulmo dhiggiisa Ruushka maalmaha soo socda, iyadoo ergayga gaarka ah ee Trump Steve Witkoff uu qorsheynayo inuu toddobaadkan booqdo Moscow si uu ula kulmo Putin.
Heshiiskii Maraykanka iyo Ukraine ayaa imaanaya kadib kulan xaasaasi ah oo Aqalka Cad ku dhex maray madaxweynaha Maraykanka oo muddo dheer ka shakisanaa gargaarka Ukraine iyo Zelenskiy 28-kii Feberaayo,kulankaasi oo ku dhamaaday is afgaranwaa.
Hase yeeshee, War-murtiyeedka wadajirka ah oo labada waddan ay soo saareen ayaa waxay ku sheegeen inay ku heshiiyeen in sida ugu dhakhsaha badan loo soo gabagabeeyo heshiis dhammaystiran oo ka xiriira in Maraykanka la siiyo macdanta muhiimka ah ee Ukraine.
Wadamada Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyey heshiiska xabad joojinta ah ee Maamulka Kiev uu aqbalay.
Ruushka ayaa duulaan buuxa ku qaaday dalka Ukrain saddex sano ka hor, Ruushka oo horumaro sameeyay ayaa hadda heysta ku dhawaad shan meelood meel dhulka Ukraine oo ay ku jirto Crimea oo ay la wareegeen sanadkii 2014-kii.