Waa nin ceenke ah ciyaar yahaanka Sadio Mane
Jun. 10 (Jowhar.com)- Ciyaartoyga caanka ah ee kubbada cagta aduunka “Sadio Mane ee Senegal” (West Africa), kaas oo dakhligiisu yahay $186,000 todobaadkii, ayaa meelo badan lagu arkay isaga oo waata telefoonnada gacanta oo jajaban.
Wareysi uu bixiyay markii wax laga weydiiyay, wuxuu yiri waan sameeynaya. Markii la weydiiyay sababta aad mid cusub u iibsan weyday, wuxuu yiri waxaan iibsan karaa kun, 10 Ferraris, 2 Jet Planes, Saacadaha Dheemanka oo aan iibsan karo, laakiin maxaan ugu baahanahay kuwan oo dhan.
Waxaan arkay faqri, sidaas darteed waxba ma baran karin, waxaan dhistay iskuullo si ay dadku wax u bartaan, kabo ma haysto, waxaan ku ciyaari jiray kabo la’aan, ma haysto dhar wanaagsan, ma haysan cunto.
Wax badan ayaan maanta hayaa oo aan rabo inaan dadkayga la wadaago intii aan is muujin lahaa laakin waali waxaa dhagaheeyga ka ciyaayo dhibaatadii aan soo maaray.