Wadaado Xer ahaa oo masjid dhexdiisa loogu toogtay aano qabiil darteed

Sep 18 (Jowhar) Wararka ka imanaya magaalada Wardheer ee Deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in waaberigii hore saaka masaajid lagu dhex diley lix [6] dhallinyaro wadaaddo xer ah, kuwaa oo u wada geeryoodey rasaas lagu furay.

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in ay rumaysan yihiin in wadaada loo diley aano-qabiil, maadama shan kamid ah culimada ay isku hayb yihiin.

Weli faahfaahin dheeri ah lagama hayo dableyda dilka geysatay oo la sheegey in ay baxsadeen, dowladda DDS na kama hadal.

Falalka aanooyinka qabiilka la xiriira ayaa caadiyan dhibaato xooggan ku hayo bulshada Soomaalida dhexdeeda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More