Wadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkiga oo natiijo la’aan kusoo dhamaaday
Aug 13 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya dalka Turkiga ayaa sheegaya in Wada hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya lagu kala kacay ka dib markii laysla fahmi waayey qodobadii laysku hayey.
Wararka ayaa sheegaya in loo ballamay wareeg saddexaad oo dhici doona bisha September ee soo socota kaas oo mar kale laysku soo hor fadhiisinayo labada dhinaca.
Macluumaadka ayaa tibaaxaga in Itoobiya gebi ahaanba diidday in ay ka noqoto heshiiskii is fahan ee ay la gashay maamulka Somaliland.
Majirto wali wax war ah oo ay arrintan kasoo saareen dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo aad isha loogu hayay waxa kasoo baxa wadahadaladan.