Wafdi hordhac u ah safarka ra’iisul wasaare Xamze oo gaaray Laascaanood
Apr 09(Jowhar) Magaalada Laascaanood waxaa ka socda diyaargarow ballaaran oo lagu soo dhaweynayo wafti uu hogaaminayo Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Xamze Caabdi Bare oo dhawaan gaaraya magaaladaasi.
Laascaanood waxaa maanta gaaray wafdi hordhac u ah ra’iisul wasaaraha oo isugu jira mas’uuliyiin iyo qaar kamid ah ilaaladiisa, kuwaasoo sii xaqiijinaya amniga goobaha uu dagayo ra’iisul wasaaraha.
Qeybo kamid ah magaalada waxaa lagu dhajiyay sawirada ra’iisul wasaaraha oo lagu xardhay erayo lagu soo dhaweynayo.
Xamze waxaa la filayaa in socdaalkan ay ku wehliyaan dhowr wasiir oo xukuumada ah, wuxuuna Xamze xarriga ka jari doonaa dhowr mashruuc oo laga hirgalin doono deegaanada SSC Khaatumo.