Wafdi ka socday Dowlada Kenya oo Kismaayo kula kulmay Axmed Madoobe
Nov 04 (Jowhar)-Wafdi ka socday Dowlada Kenya oo gaaray maanta magaalada Kismaayo ayaa waxa ay kulan la yeesheen Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.
Wafdigan waxaa hogaaminayay Xoghayihii hore ee fulinta IGAD, Amb. Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo senatorkii hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Colow.
Qoraal la soo dhigey bogga madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in wafdigan uu maanta qaabilay Madaxweyne Axmed Madoobe ay ahaayeen dhexdhexaadiyaal ka socday dowlada Kenya.
“Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socoday Dowladda Kenya isla Markana Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo DFS.”ayaa lagu sheegay qoraalka kooban ee la soo dhigey bogga madaxtooyada Jubaland.
Hase yeeshee laguma faahfaahin qoraalka ajandayaashii laga wadahadlay iyo natiijadii ka dhalatay kulankii ay yeesheen wakiiladii ka socday dowlada Kenya iyo Madaxweynaha Jubaland.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka baxay shirka Wadatashiga Qaran waxana uu dhawaan maamulkiisu shaaciyay in ay go’aansadeen in si madax-bannaan u qabsanayaan doorashooyinkooda, uuna Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ay xaq u leeyihiin qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka, Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.