Wafdi sare oo ka socda IGAD oo soo gaaray Muqdisho,lana kulmaya madaxda dalka

Sep 16 (Jowhar) xoghayaha fulinta IGAD Dr. Workneh Gebeyeh ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, maalin uun kadib markii ay Itoobiya, Suudaanta Koonfureed iyo Jabuuti saxiixeen dibu qaabeynta cusub ee Urur gobaleedka IGAD.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyayWafigan, iyagoo la kulmi doono Madaxweynha JFS iyo madaxda sare ee dalka.

IGAD ayaa Soomaaliya kala hadlaysa xiisada gobalka iyo arrinta Suudaan sidii xal loogu heli lahaa, waxaana kulankan kahoreeyey mid Kenya kudhexmaray Xoghayaha fulinta IGAD iyo wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya todobaadyo kahor, kaas oo ay dhinacyadu is faham kaga gaaran is maandhaaf u dhaxeeyey.

Kooxaha Suudaan ku dagaalamaya, ayaa u sheegay madaxda IGAD in aysan kalsooni kuqabin dhammaan wadamada gobalka, marka laga reebo Soomaaliya, waxaana fashilmay isku dayo ay wadeen Jabuuti, Itoobiya, Suudanta Koonfureed iyo Sacuudiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More