War-murtiyeed laga soo saaray shir ay Muqdisho ku yeesheen taliyayaasha milatariga Itoobiya iyo Soomaaliya

Feb 23 (Jowhar)War murtiyeed ayaa laga soo saaray shir Muqdisho ku yeesheen Taliyeyaasha Ciidanka Qaranka Itoobiya Berhanu Jula oo uu wehliyay Agaasimaha Sirdoonka Itoobiya Redwan Hussein iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. Odawaa Yusuf Raage iyo Agaasimaha NISA C/llaahi Sanbaloolshe.

Taliyeyaasha ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo gobolka, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nabadda, amniga, iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Waxay si gaar ah u xuseen dadaallada ay sameeyeen dalalka ciidamada iyo booliska ku biiriyay hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM/ATMIS) iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, kuwaasoo nafahooda u huray tan iyo 2007 si loo xasiliyo dalka loona dagaallamo kooxda Al-Shabaab.

Waxaa ay soo dhaweeyeen bilaabista Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in laga sii amba-qaado guulihii hore ee ATMIS. Waxay carrabka ku adkeeyeen doorka Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ee hawlgallada nabad-ilaalinta Midowga Afrika iyo qaabeynta ciidamada ENDF ee ku howlgali doona AUSSOM.

Taliyeyaasha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo taageero dadaallada haatan socda ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in si wadajir ah loola dagaallamo argagixisada.

Labada dhinac waxay isla garteen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay noqoto albaabka kaliya ee xiriirka rasmiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana la ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa loogu baaqay beesha caalamka in ay taageerto dhismaha awoodaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo fududeeyo bixitaanka AUSSOM loogana dhigo Soomaaliya mid awood u leh in ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amnigeeda.

Ugu dambeyn Heerka xiriirka laba geesoodka ah, taliyeyaasha waxay ku heshiiyeen in la dhiso heshiis ciidan (Status of Force Agreement – SOFA) oo khuseeya dhammaan ciidamada laba geesoodka ah ee ka howlgalaya Soomaaliya, iyadoo saxiixa heshiiska SOFA uu qeyb ka noqon doono heshiiskii Is-afgaradka Amniga (MoU) ee la saxiixay Diseembar 2023.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More