Warar kasoo kordhay Kulan Xasan iyo Sanbaloolshe ay la yeesheen Agaasimaha Sirdoonka Mareykanka

Nov 01 (Jowhar)Kulankii Madaxweyne Xasan Sheikh oo uu wehliyay Agaasimaha NISA C/llaahi Sanbaloolshe ay la yeesheen Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa diiradda lagu saaray arrimaha Amniga, la dagaalanka Argagixisada, kala guurka AMISOM iyo arrimaha xiisadda Itoobiya.

Booqashada Agaasimaha CIA ku yimid Muqdisho ayaa aheyd mid muujineysay ahmiyadda gaarka ah ee Mareykanka uu siinayo arrimaha Soomaaliya, taasoo aheyd markii labaad ee uu Muqdisho ku yimaado muddo sanad gudihiis.

Sidoo kale safarkii Agaasimaha NISA C/llaahi Sanbaloolshe ku tagay dalka Mareykanka horaantii bishii October ee sanadkan ayaa iyana daba socotay arrimo badan oo taabanayay iskaashiga amniga iyo la dagaalanka argagixisada oo ay iska kaashadaan labada Hey’adood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More