Wararkii u danbeeyay 20 Daacish ah oo lagu dlay duqeyn ka dhacday Buuraleyda Calmiskaat
Feb 26(Jowhar)Duqeyn diyaaradeed ayaa xalay lala beegsaday Saldhiga ugu weyn ee Kooxda argagixisada Daacish ku lahayd Soomaaliya,gaar ahaana Buuraleyda Calmiskaat oo ah deegaanka Miraale, waxaana fuliyey dawladda Imaaraatka Carabta oo ah saaxiibka Puntland ee ku taageeray gulufka Calmiskaat.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 20 kamid ahaa kooxdan Argagixiso duqeyntan lagu dilay, 24kii saac lasoo dhaafay Dhadaar & Miiraale ayay ka firxanayeen argagixisada, iyagoo u diga rogtay dhanka Ceelka WANGABLE oo ka tirsan degmada Qandala una jira masaafo dhan 25KM.
Wajiga 2aad ee Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Calmiskaat ayaa kusii siqaya dhammaad, iyadoo kan 3aad lagali doono oo sifeynta cadowga.