Wararkii u danbeeyay dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay magaalada Kismaayo

Nov 23  ( Jowhar) Is rasaaseyn dhexmartay ciidamada Booliska Kismaayo iyo qaar kamid ah Ilaalada Senator Ilyaas Gaboose ayaa sababtay khasaare soo kala gaaray 2da dhinac, sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Kismaayo.

Iska horimaadka ayaa ka dhacay agagaarka Hotelka AGAN ee magaaladaas, iyadoo ay isku dayeen dhinaca Gaboose in ay galaan hotelkan, laakiin ay ilaalada hotelkuna diideen.

Senator Ilyaas ayaa sheegay dhawaan in uu musharax u yahay madaxtinimada JL, uuna haysto taageerada Villa Somalia.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More