Wararkii u danbeeyay duqeymo diyaaradeed oo lala beegsadat godad ay ku dhuumaaleysanayeen Daacish

Feb 17(Jowhar)Sida ay xaqiijinayaan macluumaad hordhac ah, duqeymihii shalay iyo xalay lala beegsaday bartilmaameedyo ay kusugnaayeen kooxda Daacish ee Buuraha Calmiskaat ayaa xaqiijinaya in mid kamid ah oo lala helay Godka layiraahdo KUNLE, oo ah godka ugu weyn ee ay kooxdan leedahay, wuxuuna kuyaala inta u dhaxaysa DarayMadoobe iyo Curaar.

Ilo wareedyo amni aya xaqiijinaya in goobtaas maalmihii u dambeeyey Daacish kudiyaarinayeen shaqsiyaad miineysan oo ay qaraxyo kuxireen, yoolkooduna ahaa in ay weeraro lamid ah kii 11-kii bishan dhacay ay fulin lahaayeen, iyagoo habeen kahor lanaafeyey koox laxulay.

Dhinaca kale, God kuyaala inta u dhaxaysa Xankooki iyo Dhasaan oo ay kooxdan Horjoogayaashoodu duqeymaha uga dhuuman jireen ayaa Madfac culus lagu burburiyey qiiq iyo uuro ayaana ka kacday, iyadoo qaraxyo waa weyn lamaqlayay ka dib duqeynta.

Deegaanka Dhasaan agagaarka degsiimada goob lagu diyaarinayay baabuur miineysan ayaa la qarxiyey, halkaas oo lana aaminsan yahay in xubno sare kujireen goobta dhisan, waana markii 2-aad oo duqeyn hawada ah baabuur miineysan lagu gubo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More