Wararkii u danbeeyay jabka Shabaab loogu geystay Aadan Yabaal iyo Aboorey
Apr 10(Jowhar) 24-kii saacadood la soo dhaafay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka (Macawiisley) waxay casharo ugu dhigeen Argagixisada duleedka degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan.
1- Deegaanka Aboorey waxaa Argagixisada lagu gaarsiiyay khasaare xooggan kaddib dagaalo dhowr jeer la isku noqday oo saddex maalmood socday, waa deegaanka kaliya Argagixisada jabkii ugu cuslaa lagu gaarsiiyay muddooyinkan, iyagoo cududooda isugu geeyay, waxaa la sheegay in ajaaniibtii ugu badneyd ay soo geliyeen, kuwaasoo u badnaa Oromo.
Muhiimadda Aboorey u laheyd Argagixisada ayaa labo ujeeddo ahaa marka koowaad inay deegaankaas kaga tallaabaan dhanka Yasooman, halkaasoo ay ku taalo dhul buuraley, si ay weeraro kaga qaadaan deegaanada kale oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, in culeys intaan la eg soo saaraan Aboorey waxay muujineysa istiraatiijiyada deegaankaas u leeyahay, maadaama uu dhanka galbeed uu ka saaran yahay Wabiga Shabeelle, mar kasta ay gurmad kaga imaan karaan deegaanada dhaca galbeedka Hiiraan sida Buq-Aqable.
2- Dagaalkii ka dhacay shalay duleedka degmada Aadan Yabaal, isku daygiisa wuxuu ahaa in culeyska Ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ay saareen Aboorey, inay ka qafiifiyaan, oo aan loo gurman.
Labada dagaal ee isku waqtiga ahaa wuxuu muujiyay sida mooraalka ciidan iyo isku xirkiisa u xoogganaa, waxaana saraakiisha hoggaamineysay labada dagaal muujiyeen adkeysi iyo dhiiranaan, inay ka dhabeeyaan hadafka dagaalka.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa iyo saraakiisha kale ee isugu jiray kuwa XDS iyo NISA, saraakiisha Macawiisley ee ku sugnaa Aboorey waxay isku dhaarsadeen in Argagixisada godadka ka qodatay deegaanka in aanan xabada iyo qoryaha culus aan laga kala joojin illaa iyagoo meyd ah loogu tago goobtooda.