Wararkii u danbeeyay khasaaraha dagaal culus oo ka socda dowlad deegaanka Soomaalida
Dec 25 ( Jowhar) Dagaal xooggan ayaa saaka markale dib uga qarxay deegaanka Dacawaley ee degmada Xarshin ee dawlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya. Dagaalkan ayaa u dhaxeeya Ciidanka Liyuu Booliska deegaanka iyo Shacabka Dacawaley.
Ma jiraan warar madax banaan oo laga helayo dagaalka saaka ka socda degaanka Dacawaley, marka laga reebo dhanka Xukuumadda Dowlad Degaanka Soomaalida oo sheegaysa inay Ciidanka Dowlad Degaanka Soomaalidu la wareegeen Dacawaley oo ahayd halkii uu ka bilowday dagaalku.
Magaalada Dacawaley waxaa ku sugnaa maalmihii u dambeeyay Madax-dhaqameed u joogey halkaasi sidii Nabad looga dhalin lahaa.