Wararkii u danbeeyay khasaaraha dagaal culus oo ka socdo deegaanka Wargaadhi

Apr 24(Jowhar)Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal qaraxyo ku bilowday oo kooxda Shabaab saaka ay kusoo qaaday deegaanka Wargaadhi ee gobolka Sh.dhexe, halkaasoo ahaa taliska 2-aad ugu weyn ee ciidanka xoogga dalka.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in dagaalamayaal Shabaab ah ay saaka aroortii hore weerar ku soo qaadeen deegaanka, iyagoo iska caabin xooggan kala kulmay ciidankii xoogga dalka ee Mareykanka uu tabbaaray ee Danab iyo kuwo macwuusley ah oo halkaasi ku sugnaa.

Kooxda Shabaab ayaa sheegatay iney qabsatay deegaanka, halka wasiir kuxigeenka warfaafinta Al-cadaala uu baahiyay in meydadka Shabaabki deegaanka daadsan yahay.

Wali war rasmi ah lagama hayo xaaladda deegaanka, maadaama isgaarsiinta deegaanka adag tahay, saraakiishuna ka gaabsanayay iney xog bixiyaan, mararka qaarna rasaas xooggan la maqlayo.

Wargaadhi oo dhacda wadada xiriirisa degmooyinka Cadale iyo Ceeldheer, waa marin istaatiiji ah oo u sahlayay inuu isku xiro gobalada Banaadir, Galgaduud ilaa iyo Mudug. Deegaankan wuxuu ahaa marin muhiimad weyn u leh dagaalka ay dowladda kula jirto Shabaab.

Hadii ciidanka dowladda soo baneeyaan deegaanka waxey ka dhigantahay inay go’doon galeen degmooyinka Ceeldheer iyo  Xarardheere,  oo laga jaray jidkii saadka Muqdisho laga qaado loo marsiin jiray. Labada degmo wadada keliya ee furan waa dhanka gobalka Mudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More