Wararkii u danbeeyay khasaaraha dagaal culus oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Sep 28 (Jowhar)Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar xalay dagaal yahanada Shabaab ay ku qaadeen fariisin ciidan oo ku yaala degmada Dharkiinleey.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo iyo rasaas wada socday ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisin ay ciidan boolis iyo Nabad Sugid ku leeyihiin halka Jayga Cali Ugaas oo duleeda degmada Dharkiinleey ah.

Saraakiil ciidan iyo xubno kamid ah maamulka drgmada Dharkiinley ayaa Warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in dagaal yahanada Shabaabka ay la wareegeen fariisinka, halkaasna uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac kala gaaray, walow aan tirada rasmiga ah la heynin.

Xogta ay dhinacyadan bixiyeen ayaa intaasi kusoo dareysa in nolol iyo geeri lagu la’yahay askar goobta ku sugneyd, kooxdii weerarka gaadmada ah soo qaadayna ay hore u sii qaateen qoryo goobta yaalay.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aaday xili ciidamada booliska iyo nabad suguda isu diyaarinayeen weerar ay ku qaadaan halka loo yaqaano beerta Cali Mahdi oo duleedka Deyniile ah, halkaasoo fariisimo iyo maxkamado u ah kooxda Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More