Wararkii u danbeeyay khasaaraha Qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay magaalada Muqdisho

July. 24 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay gudaha xerada Kuliyadda Jaaliyadda Siyaad oo ku taalla degmad Hodan ee gobolka Banaadir, kuna dhow xarunta wasaarada gaashaandhigga.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxan uu fuliyay ruux watay jaakado ay ka buuxaan walxaha qarxa,wuxuuna beegsaday  Ciidamo sameynayay gaardis, isla-markaana ay ku jiray saf dhaadheer.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in qaraxan oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo Muqdisho kamid ah uu dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, wallow aan la shaacin tirade rasmiga ah inta ay gaarsiisan tahay.

Ciidamada ku sugnaa xerada ayaa ka tirsan guutada 14-ka October ee fadhigoodu yahay magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegay in Muqdisho loo keenay in lagu sameeyo dib u habeeyn iyo qalabeyn intaba.

Ciidamada amaanka ayaa wado baariitaano la xiriirta qaraxan, waxaana jiro warar sheegaya in Ismiidaamiyaha uu kamid ahaa ciidamada safafka dhaadheer ku jiray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More