Wararkii u danbeeyay khasaaraha weerar Israel ay ku qaaday magaalada Beyrut

Oct 21 (Jowhar)-Isra’il ayaa xalay duqeymo culus ku bartilmaameedsaday qeybo ka mid ah magaalada Beyrut ee caasimadda Lubnan, waxyar kaddib marki ay ku dhawaaqday Axaddi shalay in ay beegsan doonto garabka maaliyadda ee Xisbullah.

Qaraxyo waaweyn oo ay sababeen madaafiic ay soo tuureen milatariga Isra’il ayaa laga maqlay Beyrut iyo meelo kale. Madaafiicda ayaa marka hore ka billowday nawaaxiga koofureed ee caasimadda kaddibna waxaa xalay la duqeeyay dhismayaal ku yaalla qeybo kale oo Beyrut ah.

Boqollaal ka mid ah dadka reer Beyrut ayaa xalay guryahooda ka cararay kaddib digniinta kasoo baxday Isra’il ee la xiriirta in ay billaabayaan duqeymaha cirka. Dadka ayaa ka cararay koofurta, bartamaha iyo deegaannada ku dhaw garoonka diyaaradaha caalamiga ah.

Muuqaallo ay baahisay wakaaladda wararka ee AP ayaa tusiyay, qaraxyo lala beegsanayo meel u dhaw garoonka kaliyah ee dalka Lubnan. Eraboorka ayaase sii wata howlahiisa caadiga ah.

Isra’il waxay sheegtay in duqeymahan cusub ay ku bartilmaameedsaneyso madaxa qeybta maaliyadda ee Xisbullah Al-Qard al-Hassan. Garabka uu maamulo ayaa lagu sheegaa qeybta socod siiya howlaha maaliyadda ee ay ku howlgasho Xisbullah

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More