Wararkii u danbeeyay khasaare ka dhashay madaafiic lagu weeraray aagga Xerada Xalane
Sep 05 (Jowhar) Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaarahanka dhashay madaafoic aroortii hore ee saaka kusoo dhacday xaafado kudhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xerada ugu weyn ATMIS ee Xalane.
Hoobiyauaashan oo tiradooda ilaa 5 gaarayay ayaa dhaliyay khasaaraha ilaa saddes ruux oo dhaawacyo ah, lama soo warrin wax dhimasho ah.
Wararka ayaa intaasi kusoo daraya in madaafiicdan qaarkood ay kudheceen xaafado Isgoyska Danwadaagta kudhow, haloa kuwo kalena ay kudheceen xaafada banaan oo kaabiga kuheysa Xerada Xalane.
Xiliga hoobiyayaasha lasoo tuurayay ayaa waxa ay eheyd xiliga laga soo baxay salaada subax ee waqtiga magaalada Muqdisho.
Ciidamadda amaanka ayaa kubaxay goobaha laga soo tuuray madaafiicdan, iyagoo ku guuldareystay iney soo qabtaan kooxihii ka danbeeyay falkan.