Wararkii u danbeeyay qaraxyo xalay ka dhacay Muqdisho iyo booliska oo faah faahiyay

Jan 14 (Jowhar)-Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed, taas oo ay ku sheegeen in bulshada iyo saxaafaddaba ay ku wargelinayaan in aysan khatar amni ka jirin caasimadda Soomaaliya ee Muqdsiho.

Waxay sheegeen in kooxaha argagaxisada ay isku dayeen inay abuuraan cabsi, iyagoo miinooyin ay been abuur ku tilmaameen ku dhajiyay xarun ganacsi oo ku taala degmada Daarusalaam.

Taliska booliska ayaa sheegay inay xaqiijiyeen in miinooyinkaas ay ahaayeen kuwa aan wax khatar ah geysan.

Dhanka khasaarahana, waxay war saxaafadeedka ku sheegeen in aysan jirin khasaare nafeed ama nantiyeed oo ka dhashay weerarkaa.

Waxay sheegeen in ciidanka booliska ay si degdeg ah ugu hor tageen dhacdadaas,isla markaana qaaday tallaabooyin lagama maarmaan ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo kalsoonida bulshada.

Taliska booliska ayaa ugu dambeyn ugu baaqayaa shacabka inay nabadda kala shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee lagu qalqal galinayo bulshada Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More