Wararkii u danbeeyay safarka madaxweyne Xasan uu ku tagay Adis Ababa
Feb 14(Jowhar)Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka degay magaalada Addis Ababa, halkaasoo uga qeyb galayo shir madaxeedka 38aad ee Midowga Afrika.
Xubnaha safarka ku wehliya Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi oo ay safarkiisa u horreeyay ay tahay tan iyo markii xilkan loo magacaabay April 2024, xilligaasoo ay taagneyd xiisaddii Soomaaliya iyo Itoobiya u dhaxeysay.
Axmed Fiqi ayaa si weyn loogu xusuustaa hadaladii adkaa ee Itoobiya ku weerari jiray, intii uu khilaafkii labada dowladood taagnaa.