Wararkii u danbeeyay Safiirka Midowga Yurub oo lagu weeraray gurigiisa Khartuum

Apr. 18 (Jowhar.com)-Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Sudan, Aidan O’Hara, ayaa lagu weeraray gurigiisa oo ku yaalla caasimadda Khartuum, halkaas oo ay ku dagaallamayaan xooggag iska soo horjeeda.

“Dhaawac weyn ma uusan gaarin” diblomaasiga oo u dhashay Ireland, sida uu xaqiijiyay wasiirka arrimaha dibedda ee dalkaas, Micheál Martin.

Wasiirka ayaa weerarka ku tilmaamay mid “si weyn meel ka dhac ugu ah waajibaadka ilaalinta diblomaasiyiinta”.

Ku dhawaad 185 qof ayaa ku dhintay dagaalka tan iyo Sabtidii ka socday Khartuum, iyadoo dhaawacuna uu ka badan yahay 1,800 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More