Wararkii u danbeeyay wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya maanta uga furmaya Turkiga

Aug 12( Jowhar.com)-Wufuud ka kala socota dowladdaha Soomaliya iyo Itoobiya ayaa maanta u ballansan in ay ku kulmaan dalka Turkiga halkaas oo lagasii amba qaadi doono wadahadaladii u dhexeeya Soomaaliya Iyo Itoobiya, ee ku aaddanaa dejinta xiisaddii u dhexaysa labada dal.

Turkiga ayaa leh doorka dhexdhexaadinta.

Soomaaliya iyo Itoobay ayaa xiisadda u dhaxaysaa soo bilaabatay bilowgii sanadkan ka dib markii Addis Ababa heshiis is afgarad ah la gashay Somaliland.

Bishii Luuliyo ee sanadkan oo labada dhinac wadahadalladoodu ka bilowdeen Ankara ayaa is araga xiga loo balamay bisha Semtember wallow waqtigaas laga soo hormariyey.

Itoobiya ayaa horrey u sheegtay inay doonayso inay boos ka hesho badda cas balse dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku celcelisay in Itoobiya ay martay dariiq an ahayn kii saxda ahaa sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal u jeedinayey labada aqal baarlamaan ee Soomaaliya.

Dhawaan ayey ahayd markii wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan oo booqday Addis Ababa uu sheegay in Itoobiy loo ogolaan doonno marin baddd ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More