Wararkii u danbeeyay wadahadalada xabad joojinta Gaza oo gabo gabo marayo

Jan 15 (Jowhar)-Dowladaha dhex-dhexaadinaya Israa’iil iyo Xamaas ayaa sheegay in qarka loo saaran yahay heshiis xabad joojin ah oo ka dhaqan gala Gaza iyo in la sii daayo la heystayaasha reer Isra’il ee ku jira gacanta kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta.

Kaddib wadahadallo dheer oo ay garwadeen ka ahaayeen Mareykanka, Masar iyo Qatar, ayay madaxda dowladahaasi Arbacadi ballan qaadeen in ay si dhaw ula socon doonaan hannaanka heshiiska la rajeynayo saacadaha soo socda.

Warka sheegaya in qarka loo saaran yahay heshiiska xabad joojinta Gaza, ayaa waxaa xaqiijiyay saraakiil ka kala socda Xamaas iyo Isra’il. Sidoo kale waxaa Isniintii si hor dhac ah u sii sheegay rajada heshiiska, madaxweyne Biden.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Qatar Maaded Al-Ansari ayaa Talaadadi u sheegay wariyaasha, in nuqulka heshiiska loo gudbiyay labada dhinac, isla markaana ay wadahadalladu wali socdaan.

Laakin sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa wakaaladda wararka ee Reuters xalay u sheegay, in Xamas aysan wali jawaabta ugu danbeysa soo gudbin, sababtoo ah buu yiri, Isra’il masoo gudbin khariirad muujineysa qaabka ay uga baxayaan Gaza.

Madaxweynaha Masar iyo Mareykanka, Al Sisi iyo Biden ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay gaarista heshiiska Gaza.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More