Wararkii u danbeeyay weerarka cirka iyo dhulka ee lagu qaaday Shabaab ku shirayay Sh.dhexe
Mar 19 (Jowhar)-Sida ay sheegayaan xogo aan helnay, Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Soomaaliya ayaa tagay goob ay shir ku lahaayeen xubno ka tirsan Shabaab, goobta ay ciidanku u daateen oo lagu magacaabaa Sumadaale oo ka tirsan Sh/dhexe waxaa ku shirayay xubo sare oo ka tirsan kooxda.
Sarkaal ka tirsan Militariga Somaliya oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa inoo sheegay in xalay la xusul-daaray mintidiinta Al Shabaab ee ku sugan Gobolka Shabellaha Dhexe, khasaare lixaad lehna la gaarsiiyay.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoojisaysa weerarrada dhulka iyo cirka ah ee ka dhanka ah Shabaab, waxaana laga hortagay qorshayaal badan ay kooxda weerark ku diyaarineysay.
Si kastaba, Hawlgalka ballaaran ee ka socdo gobolkan ayaa waxaa markii ugu horreysay xalay ka qayb qaatay Xoogaga Gaarka ee Alpha Group amaba Gaashaan.