Wararkii u danbeeyay weerarka Shabaab ay ku qaaday magaalada Balcad

Feb 27(Jowhar)Wararka ka imaanaya degmada Balced ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in halkaa saaka subixii hore ay weerar ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Shabaab ayaa dhowr jiho ka galay magaalada sida wararku ay sheegayaan, waxaana la maqlayay rasaas xooggan.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-Shababaka soo weeraray magaalada ayaa dagaal dhex maray, laakin ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxda ay mudo kooban qabsatay qeybo kamid ah magaalada.

War-baahinta ku hadasha afka dowladda ayaa baahisay in weerarka lagu jabiyay Al-Shabaab oo laga hor tagay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More