Wararkii u danbeeyay xayiraada Shabaab ay kusoo rogtay shirkada Hormuud

Aug. 09 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa xayiraado lagu soo rogay shirkada Isgaarsiinta Hormuud, xayiraadan waxaa saartay kooxda Al-Shabaab.

Sida wararku tilmaamayaan, Kooxda Shabab ayaa xayiraad ku soo rogtay illaa 35 Xarun oo ay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ka howlgaleysay oo ku yaalla qaar ka mid ah gobolada dalka.

Kooxdan ayaa ku wargeliyay dadweynaha ku nool deegaanada ay maamulaan ee isticmaala adeega shirkadaas inay isaga guuraan oo ay qaataan taleefanada shirkadaha kale, waxaana gebi ahaanba ay joojiyeen dhammaan wixii gaadiid shirkadda laheyd ee ka howlgalayay deegaanada.

Xayiraadahan ayaa la sheegay inay saameeyeen xarumaha shirkadda ee degaanno ku yaalla Jubaland, Koonfur Galbeed iyo meelo ka mid ah Galmudug.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo Kooxda ka soo baxay oo ah in gebi ahaanba xireen adeegga shirkadaas, haddana waxaa muddooyinkii u dambeeyay jiray is-maandhaaf u dhaxeeyay Shirkadda iyo Horjoogayaasha Shabaab oo ku cadaadinayay Hormuud inay joojiyaan adeegga lacagaha mushaaraadka ciidamada dowladda ugu dhaco taleefanada, inkastoo dalabkaas shirkaddu sheegtay in aanay u fududeyn dhaqan galkiisa.

Dawladda Soomaaliya, shirkadda Hormuud iyo ururka al-Shabaab midkoodna weli rasmi ahaan ugama hadlin xayiraaddan, oo la sheegay inay soo taagnayd muddo ku dhow 4 bilood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More