Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Somaliland

Nov 15 (Jowhar)-Waxaa si rasmi ah u soo dhammaaday tirinta codadka doorashada madaxtinimada iyo tan xisbiyada ee Somaliland, iyada oo wararka hordhaca ah ee aan ka soo xiganay ilo-wareed lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in loo badinayo inuu guuleystay Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), halka tartankii xisbinimadana la sadaalinayo in uu xisbigiisa Waddani kaalinta koobaad ku soo baxo.

Macluumaadka aan helnay waxa ay sheegayaan:

■ Goobaha guud ahaan laga codeeyay waa 2337 goobood

■ Qiyaasta codadka la kala helay waxa ay muujinayaan in Cirro uu tartanka Madaxtinimada ugu guuleysan karo 68-70%, halka uu Muuse Biixi ka heli karo 30-32%

■ Tartanka Xisbiyada waxaa loo badinayaa in uu Wadddani ku soo baxo kaalinta koobaad ee xisbul xaakimka, Ururka Kaah oo xisbi noqdayna uu labaad geli doono, halka xisbigii talada hayay ee Kulmiye uu kaalinta saddexaad u soo degi doono isaga oo booska kala baxaya xisbiga UCID

■ Faysal Cali Waraabe ayaa la saadalinayaa in uu wax ka yar 1% codadka tartanka madaxtnimada kala huleeli doono saaxada siyaasadda oo ay isaga iyo xisbigiisii UCID sagootin doonaan kaddib sannado badan oo ay raadinayeen guul aanan rabin

■ Codad gaaraya 90 kun oo goballada Bariga yaalla ayaa hadda hubin yar ku harsan tahay, waxa ayna wax ka beddeli karaan natiijada tartanka xisbiyada, gaar ahaan wixii ka soo hara xisbiga Kulmiye ayaa rajo fiican ka qabi kara codadkaas

■ Goballada Bari oo ay ku xoogganaayeen isbahaysiga Xisbiga Waddani iyo Ururka Kaah ayaa ka qeybgalka codbixinta ugu horreeya, dadkii ugu badnaa ayaana ka codeeyay. Goballada Galbeedka oo uu Xisbiga Kulmiye ku tashanayayna waxaa la sheegayaa in tiradii la filayay in ay codbixinta u soo baxaan ay hoos u dhacday in ku dhaw 50%. Arrintaas ayaa qeyb ka noqotay arrimaha go’aamiyay natiijooyinka ay kala heleen xisbiyada iyo musharraxiintu.

■ Goballada ay codbixiyayaasha badani joogeen ee Bariga waxaa yaraa tirada Muuse iyo xisbigiisa Kulmiye ka heleen. Laakiin goballada Galbeedka oo codbixiyayaashoodu ay yaraayeen waxaa intii soo baxday kala qeybsaday Kulmiye oo goballadaas ku tashanayay iyo xisbiiyadii kale oo uu Waddani ku jiro

Xogtan waxaa laga helay barnaamijyo telefoonnada ku shaqeeya oo ay xisbiyadu si hordhac ah ugu wadaagayeen codadka goobaha doorashooyinka. Waxaase xusid mudan in Guddiga Doorashadu ay xalay warbaahinta u sheegeen in natiijada rasmiga ah ay noqonayso tan ay iyagu soo saaraan.

Sida aan wararka ku helayno, waxaa la filayaa in ay guddigu natiijada hordhaca ah ku dhawaaqaan ka dib marka codadka la isugu soo uruuriyo caasimadda Hargeysa si tirada guud loogu gudbiyo Maxkamadda Sare, taas oo qeyb ka ah hannaanka iyo habraacyada doorashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More