Wariye Cali Nuur Salaad oo laga sii daayay xabsiga Muqdisho

Jul 26 (Jowhar.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow xabsiga kasii deysay Wariye Cali Nuur Salaad oo kamid ah suxufiyiinta ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa todobaadkii hore bilowgiisa nawaaxiga Masjidka Isbaheysiga Islaamka ka kaxeystay ciidan boolis ah, waxaana lagu xiray saldhigga boolisma degmada Waaberi.

Qoraal booliska ay baahiyeen waxey ku sheegeen eeda xariga wariyaha mid la xiririta cayda ciidamada qalabka sida iyo fal anshax xumo ah, walow aysan bixin faah faahin intaas ka dheeri ah.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jiray cadaadisyo xooggan oo ay dowladda kala

kulmeysay bahda Warbaahinta iyo Siyaasiyiin Miisaan culus leh, iyagoo ku dhaliilayay madaxda dalka xariga sharci darada ah ee Wariyaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More