Wasaarada Amniga maamulka Jubaland oo soo saartay awaamir culus
Nov 05 (Jowhar)-Wasaaradda Amniga Gudaha maamulka Jubaland Oo Soo saartay Wareegto Amni ayaa fartay Taliyeyaasha Ciidamada fulinta Awaamiir lagu sugayo Amniga Jubaland.
Wasiir kuxigeenka Wasaarada Aminga Gudaha Mudane Aadan Axmed Xaaji ayaa Amray Taliyeyaasha Ciidamada kaladuwan ee maamulka Jubaland in ay fuliyaan Awaamiirta lagu sugayo Amniga Dawladda Jubaland inta lagu jiro xaaladaha doorashooyinka.
Halkan ka akhriso awaamirta kasoo baxday maamulka Jubaland;
iyadoo lagu guda jiro u diyaar garoowga Qabsoomida Doorashooyinka heerarka kale duwan ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa waxaa la farayaa dhamaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland Qodobada hoos ku xusan
1]. dhamaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland waxaa la farayaa in ay galaan Heegan Buuxa oo lagu xaqiijinayo amniga dhamaan deegaanada Jubaland
Sidoo kale dhamaan Ciidamada waxaa la farayaa in aysan ku milmin Siyaasadda oo ay joogaan xerooyinkooda iyo goobahooda Shaqo
2]. Waxaa mumnuuc ah Askari hubeysan oo aan waajib shaqo ku jirin in lagu arko goob aan ahayn goobtiisa Shaqo
3].Dhamaan Musharixiinta iyo daneeyayaasha ka qeyb galaayo Doorashada Jubaland waxaa lagu wargelinayaa in amaankooda ay sugayaan Ciidanka Booliska Jubaland sidaasi daraateed waa in ay la xiriiraan Taliska Ciidanka Booliska Jubaland si loo siiyo Ciidan sharci ah oo suga amaankooda
4]. Amaanka deegaanada Jubaland waa mid la isku halleyn karo waxaana mamnuuc ah in la abuuro Ciidamo beeleedyo u abaabulan Qaab Qabiil oo lagu QalQal gelinaayo Amaanka iyo Nabadda ka jirta Jubaland
uuga dambeyn Cid kaste oo ka Qeyb Qaadata falal amni darro ama u Hogaansami weyso qodabada kor ku xusan waxaa laga Qaadi doonaa Tallaabo Sharciga Waafaqsan